Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

R/W Rooble oo Geedi socodka Doorashada u sharaxay Guddiyada Doorashada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa  kula kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

Rooble ayaana kala hadlay guddiyana uu la kulmay dar dargalinta doorashada , waxa uuna sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u sheegay guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka uu la kulmay in ay jiraan caqabado dib u dhaca keenay ay kamid yihiin in weli beesha Caalamka aan laga helin dhaqaalihii doorashada lagu socod siin lahaa.

Kulankan uu Ra’iaul Wasaare Rooble la qaatay guddiyada doorashada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen habraac muran badan dhaliyay oo loo marayo doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdo naxdin leh: Lamaane geeriyooday daqiiqado ka dib arooskooda (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Dayniile oo la dilay & Mid ka mid ah raggii fuliyey oo..

Caydiid Ali

Itoobiya oo go’aan cusub ka soo saartay xaaladii deg dega aheyd ee dalkaas la geliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---