Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taalibaan oo la wareegtay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Kabul (Daawo Sawirro)

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa saakay oo talaado ah si buuxda ula wareegay amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Kabul kadib markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa reer Galbeedka ee halkaasi ku sugnaa.

Saraakiil sar sare oo katirsan Taalibaan ayaa saakay booqday garoonka diyaaradaha Hamid Karzai oo amaankeeda la wareegeen, waxaana saraakiisha la hadleen ciidamada Taalibaan ee sugaya amaanka garoonka diyaaradaha.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Hamid Karzai ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidanka shisheeye dalka Afganistan ay tahay guul taariikhi ah .

Waxa uu sheegay Afhayeenka Taalibaan in diyaar u yihiin in xiriir wanaagsan la yeeshaan dowlada Mareykanka iyo wadamada kale ee caalamka, waxa uuna cadeeyay in Taalibaan isbadal muuqda la imaan doonto.

Askarigii ugu dambeeyay oo Mareykan ah ayaa xalay ka baxay garoonka diyaaradaha Kabul, waxaana la filayaa in kooxda Taliban si buuxda ula wareegto amaanka garoonka iyo goobaha kale muhiimka ah sidoo kale soo dhisaan dowlad Islaami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney u dhalatay dalka K/Afrika oo caawa dil u geysatay Ninkeeda oo Soomaali ahaa

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee Somalia kaga qeyb galayso dalka Vietnam?

Caydiid Ali

RW Khayre oo Magaalada Davos kulamo kula qaatay Mrs. Christine Lagarde & Madax kale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---