Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya

Sargaal la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka howlgasha gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Ceelbuur ayaa isku soo dhiibay ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada Gor Gor.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in Cali Ibraahim oo hada isku dhiibay ciidanka milatariga Soomaaliya katirsanaa saraakiisha Al Shabaab gaar ahaan kuwa kooxda  u qaabilsan dhinaca Caafimaadka.,

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa Warbaahinta dowlada sheegtay in uu ku qanci waayay hab dhaqanka kooxda Al Shabaab, waxaana xalay saqdii Dhaxe sargaalkan lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada Dhuusomareeb .

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin warkan  ku aadan in sargaal kasoo goostay dhankooda isku dhiibay ciidanka dowlada, mana jiro ilo kale oo madax banaan oo xaqiijinaya sheegada dowlada sargaalkan dhankooda usoo goostay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Codsi deg deg ah u diray Golaha Amaanka ee Q/Midoobay

Cabdi Cade

Dad lagu laayay Duleedka magaalada Baladweyne iyo xiisad halkaasi ka taagan

Cabdi Cade

Duqii hore ee Muqdisho oo ka digay Mashruuc lagu dhisayo Dekad iyo Garoonka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---