Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Soomaaliya loo soo qaadayo oo Digniino adag la siiyay (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda General Wilson Mbasu Mbadi ayaa digniin adag u diray Ciiddamo tiradooda dhan tahay 1,848 Aakari oo loo soo daabulayo Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda waxa uu Ciiddanka kula dardaarmay inay feejignaan dheeraad ah muujiyeen marka ay Somalia tagaan.

“Waan idinkaga digay, Cuntada iyo Hubkiina ha ka iibinin dadka Soomaalida, iska jira idinka ayey dib idinkugu soo weerari doonaan” ayuu yiri General Wilson Mbasi Mbadi.

Waxa uu sii raaciyey waa Waali inuu Askarigu iska iibiyo Hubkiisa iyo Cuntadiisa.

Munaasabadda Tababarka loogu soo xirayey Ciiddankaasi ayaa lagu qabtay Xarunta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Singo Peace Support Operation Center.

Dhinaca kale, Ciiddanka Uganda ee Somalia loo soo dirayo waxaa Taliye u ah Kolonel Ibrahim Byarunhange.

Ciiddankaasi oo sumadoodu tahay Kooxda BG 33-aad waxay bedeli doonaan Ciiddanka Uganda ee BG 30-aad oo iyagu dhamaystay Hawlgal muddo Hal sano ah oo ay qeyb kaga ahaayeen Ciiddanka AMISOM.

Uganda waa dalkii u horeeyey ee Ciiddamo Nabad-ilaalin ah u soo diray Somalia bishii March ee sanadkii 2007-dii.

Related posts

Sacuudiga oo dhisay isbaheysi ka shaqeeya xal laba dowladood

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Haweeneyda caalamka ugu da’da weyn xiligan oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Guddoomiye ku-xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool oo ku biiray xoogaga SSC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---