Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amrullah Saleh oo sheegay inuusan weligiis isku dhiibi doonin Maamulka Taliban

Ra’isal Wasaarihii hore ee Afghanistan, Amrullah Saleh, ayaa sheegay inaanu isku dhiibayn Taliban, isla markaana uusan aqoonsanayn xukunkooda.

Saleh oo Kabul ka baxsaday bishan ayaa haatan gacan ka geysanaya iska caabinta taliban lagaga soo horjeedo ee ka taagan dooxada Panjshir ee dalkaas.

Wuxuu soo jeediyey talo ah in weli uu jiro xal wax lagaga qaban karayo qabashada taliban, isagoo ku baaqay in aqoonsi siyaasadeed iyo taageeraba la siiyo kooxda ka soo horjeeda Taliban ee National Resistance ee dooxada Panjshir

Wuxuu isku sheegay inuu isagu yahay hogaamiyaha dalka ka dib markii markii uu Madaxweyne Ashraf Ghani u qaxay Imaaraadka horaantii bishan

Amrullah Saleh ayaa xusay in Taliban aanay weligoodba qabin in arimaha lagu xaliyo heshiis siyaasadeed “Waxay ka faa’iidaysteen degenaanta, daalka iyo aragti gaabnida Aqalka Cad ee Maraykanka” ayuu intaa ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Qoor-qoor oo soo gebagebeeyey safarkii uu ku joogay Jabuuti

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Garawe ku qaabilay Gary Mackuk iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Siciid Deni oo abaabul dagaal ka wada gobolka Bari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---