Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fiqi oo hal arrin uga digay shacabka ku nool degaanada Galmudug

Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in Galmudug iyo Puntland ay isla meel dhigeen iskaashiga sidii loo soo afjari lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koofurta maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Puntland iyo Galmudug ay ka wada go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab oo u sheegay in awoodooda ay tahay mid aad u liidata.

“Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaalo Al-Shabaab looga dilay in ka badan 250 dagaalyahan, dhawaana waan la soo afjari doonaa dagaalada aan kula jirno” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa u digay dadka shacabka ah ee ku nool degaanada hoos taga maamulkaas e lacagaha siiya Al-Shabaab oo uu sheegay in lala xisaabtami doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Alpha Conde oo Marti qaad rasmi ah u fidiyay Muuse Biixi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cabsi hor leh oo lasoo daristay Shacabka Muqdisho iyo laamaha amniga oo …

Cabdi Cade

Madaale oo isbitaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---