Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble & xubnaha Midowga Musharaxiinta oo ku heshiiyey labo qodob (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Midowga Musharraxiinta.

Waxaa kulanka  looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda.

Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo farxada ciida la qaatay Ciidamo Milatari ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo Madaxda dowlad goboleedyada ugu yeeray shir ka furmaya Muqdisho

Caydiid Ali

Masuuliyiintii Ahlu sunna oo muddo ka dib ku laabtay Galmudug (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---