Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taliban oo eedeymo kulul u jeedisay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kabul

Taliban ayaa ku eedeysay ciidamada Mareykanka ee Kabul inay si sharci darro ah u fuliyeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen caasimadda Afghanistan.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in Mareykanka looga baahnaa inay soo sheegaan wax kasta oo khatar ku ah Taliban

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta Maraykanka lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah kuwaasoo ay ku jiraan lix caruur ah.

Axaddii, diyaarad drone ah oo Mareykanku leeyahay ayaa weerartay gaari qarax lagu fulin rabay oo uu waday is-miidaamiye, kaasi oo saraakiisha Pentagon-ka ay sheegeen in loo waday in lagu weeraro garoonka diyaaradaha Kabul.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya iney wadaan baaritaan ku saabsan duqeynta diyaaradda iyo wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo lagu riday Xukun dil ah

Cabdi Cade

Maaxweyne Qoor-qoor & C/wali Gaas oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Aabbe Wiilashiisa dil iyo dhaawac u geesteen Al Shabaab oo la garab istaagay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---