Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gantaalo maanta lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Kabul oo la fashiliyay

Waxaa maanta mar kale weerar gantaalo loo adeegsaday lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul, xili shalay Mareykanka bur buriyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu weeraro garoonka Kabul.

Sargaal katirsan ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Habka difaaca gantaallada Mareykanka maanta dhexda ka qabteen illaa shan gantaal oo  lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Kabul.

Weerarkan gantaalada loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kabul ayaa la sheegay in uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin ciidamada Mareykanka, waxaana gantaalada inta badan lagu qabtay hawada halka kuwa kalana meelo banaan ku dhaceen.

Gantaaladan lagu weeraray garoonka Kabul ayaa kusoo aadaya xili gabo gabo mareyso daadgureynta ay wadaan ciidamada Mareykanka ee jooga Kabul, kuwaa oo la filayo in ugu dambeyn beri kawada baxaan Garoonka Kabul.

Dowlada Mareykanka ayaa ka daadgureesay dalka Afganistan dad ka badan 114,400 qof, oo isugu jiray muwaadiniin Mareykan ah, ajaaniib, iyo dad u dhashay Afgaanistan oo isugu jiray kuwa la shaqeeyay Mareykanka iyo kuwo kala oo Taalibaan ka baxsanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhaliil u jeediyey Madaxweynaha Galmudug

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah burcad badeedii afduubtay markabka MV Ruen oo la soo qabtay

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin iyo xubno kale ay fashilanayaan Shirka Dhuusamareeb?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---