Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Joe Biden oo Murugo kusoo dhaweeyay Meydadka Askartii looga laayay Kabul (Sawirro)

Garoonka diyaaradaha Ciidamada Cirka Mareykanka ee Dover Air Force Base ayaa laga dejiyay meydadka 13-askari oo katirsan ciidamada Mareykanka kuwaa oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo khamiistii ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kabul.

Meydadka askarta Mareykanka oo ku jiray naxash la huwiyay calanka Mareykanka waxaa kusoo dhaweeyay garoonka laga dejiyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden  masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidamada Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii meydka lasoo dejiyay wajigiisa laga dheehanayay sida uu uga murugeesan yahay askarta Mareykanka ee Kooxda Daacish ku leysay garoonka Diyaaradaha Kabul xili ay daadgureyn wadeen.

Weerarkii ismiidaaminta ee khamiistii lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul waxaa ku dhintay dad ka badan 100-qopf ay ku jiraan 13-askari oo Mareykan ah, waxaana weerarkaasi masuuliyadiisa sheegatay kooxda Dacaish ee ka dagaalanta Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo dowlada Somalia ku eedeeyey iney dagaal hurinayso

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Somalia oo hambalyo u diray xulka Kubada cagta Marooko

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia oo booqday Mashaariic laga fulinayo Asmara (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---