Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daalibaan oo heshay Diyaarado, Gawaarida Gaashaaman iyo hub casri ah (Akhriso Qiimahooda)

Gulf colaadeedkii ay Dagaalamayaasha Daalibaan kula wareegeen caasimad-gobaleedyada iyo Guud ahaan dalka Afganistan waxay hoodo u heleen inay gacanta ku dhigaan inta badan Qalabkii Milliteri ee uu Maraykanku siiyey Milliteriga dalkaasi.
 
Dowladda Maraykanka waxay walaac xooggan ka muujisay Hubka iyo Qalabka Milliteri ee ay Daalibaan ku qabsadeen Dagaalkii xawliga ku socday ee ay bishan ku hanteen Guusha lama filaanka ahayd.
 
Haddaynu eegno Liiska Gaadiidka Dagaalka, Diyaaradaha iyo noocyada kale ee Hubka ee ay Xooggaga Daalibaan qabsadeen waxaan ka xusi karnaa:
 
A-39 Super Tucan: Waa Diyaarad Fudud oo loogu talagalay Hujuumka ama Weerarka.
 
Qiimaha Diyaaradaasi waxa uu u dhexeeya 20 ilaa 30 million oo Dollar
 
UH-60 Black Hawk: Waa Diyaarad Helikoptar oo loo adeegsan karo Duqeynta, Daad-gureynta Ciiddanka iyo Qalabka xamuulka.
Qiimaha halka Diyaarad ee noocaasi ah waxa uu gaarayaa lacag dhan 5.9 million oo Dollar
 
Scan Eagle Drone: Waa Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahayn, waxaa loo adeegsadaa Sirdoonka, Hawlgalada, Gurmadka Ciiddanka go’doonsan, Dhegeysiga iyo Tashwiish gelinta Qalabka Isgaarsiinta caddowga.
 
Qiimaha halkii Diyaarad ee noocaasi ah waa 3.2 million oo Dollar
MD-530 F: Waa Diyaarad Helicopter ah, waxaa loogu talagalay Daabulista in Ciiddanka lagu daad-gureeyo.
 
Qiimaha halkii Diyaarad ee noocaasi ah waa 2.4 million oo Dollar.
Mine-resistant vehicles (MRAPs): Waa Gaari nooca Gaashaman, wuxuu adkeysi u leeyahay Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Weerarada Jid-galka (Ambush).
 
Qiimaha Gaarigan waxa uu u dhexeeya 500,000 oo Dollar ilaa 1,000,000 Dollar.
 
Gaadiidka M1151 Humvee: Waa Gaadiidka Gaashaaman ee loogu talagalay inay Ciiddanka ku dagaal galaan, iyadoo Gaadiidkan u babac dhigi karo noocyada Rasaasta, Hubka Culus iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso.
 
Waxa uu gabaad u yahay Ciiddamada marka ay ka dagaalamayaan Goobaha halista badan, iyadoo uu dhex jibaaxi karo Jiiddaha Dagaalka iyo Goobaha miineysan.
 
Qiimaha Gaarigan waxa uu midkiiba gaarayaa lacag dhan 220,000 oo Dollar.
 
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka waxay Milliteriga Afganistan siiyeen 4,700 oo Gaadiidka M1151 Humvee, iyadoo ay Daalibaan la wareegeen kala-bar Gaadiidkaasi
W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Nabad sugida Qaranka ee NISA (Sawirro)

Caydiid Ali

Xarunta lagu qabanayo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la diyaariyay (Daawo Sawirada)

admin

DEG DEG: Jadwalka Doorashadą Baarlamanka & Madaxweynaha Puntland oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---