Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Cabdisamad Ibraahi Cumar (Abuu Cali) oo ahaa Muuqaal duube katirsanaa kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.
Cabdisamad Ibraahi Cumar (Abuu Cali) oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku biiray kooxda Daacish sanadkii 2016-kii, waxa uuna kasoo qeyb qaatay weeraro badan oo ay kooxda fulisay.
Ninkan oo ka qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay dhulka buuraha Puntland ayaa markii dambe la baray sida loo duubo muuqaalada, waxa uuna xiligaas kadib u wareegay qeybta duubista muuqaalada ee kooxda Daacish.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda sida uu ugu biiray Daacisho Eedeysanaha iyo Raggii kale ee fikirkan ay ka soo wada Xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibbadiisa ay dagaallo u aadeen Liibiya ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntalnd ee loogu tala galay la dagaalnka Argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta Eedeysanaha oo ku dhaawacmay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Puntland.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.
Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.
Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Shuute sheegay in xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan 30-cisho gudaheed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com