Kooxda gobolka Haylaan ee ku guuleysatay ciyaarihii gobolada Puntland ee dhowaan lagu soo gebagebeeyey Garoowe ayaa galabta soo gaartay Muqdisho.
Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan DF oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, ku dhinaca amniga iyo siyaasada ee gobolka Banaadir Cali Yare Cali iyo xubno kale.
Kooxda gobolka Haylaan ayaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho ciyaar saaxiibtimo la yeelan doona kooxda heerka 1aad ee Horseed oo dhowaan hanatay horyaalka kubada cagta Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com