Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Afar qodob oo looga hadlay kulan ay yeesheen Midowga Musharaxiinta

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kaasoo ay kaga hadlayeen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in kulankooda ay diirada ku saareen afar qodob oo la xiriira culeysyada ka jira dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo kala ah:-

1-Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyadjabka Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

2-In la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku haleyn karo ay ka dhacaan.

3-Wadahadallada ay la leeyihiin Golaha wadatashiga  gaar ahaan dowlad Goboleedyada, iyagoo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

4-Kulamo ay leeyihiin Xukuumadda uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Rooble kaasoo ay kaga arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar oo Biden ku eedeysey inuu ka baxay balan uu horey u qaaday

Caydiid Ali

Daawo: Faroole oo ku jees-jeesay Wasiir Goodax iyo Villa Somalia oo shirqool cusub wada

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo iska difaaci doona Xayiraada Maraykanka ku hanjabay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---