Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kabul ayaa sheegay iney ka hortageen qof naftii hure ah oo saarnaa gaari doonayay inuu weeraro garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka, xilli Mareykanka uu ku dhow yahay dhammaadka joogitaankiisa milateri ee magaalada.
Weerarkan ayaa ah kii labaad oo ay fuliyaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afganistaan ​​tan iyo markii kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ay khamiistii weerartay garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay ku dhinteen 13 askari oo Maraykan ah iyo tiro fara badan oo rayid reer Afgaanistaan ​​ah oo isku dayay inay waddanka ka cararaan.
Sabtidii, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in xaaladda dhulka ay weli tahay mid aad u khatar badan, oo taliyayaashiisa militariga ay u sheegeen in weerar kale oo xagjirnimo ay u badan tahay inuu dhaco 24-36 saacadood ee soo socda.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay si gaar ah uga welwelsan yihiin kooxda maxalliga ah ee Dowladda Islaamiga ah oo weerartay gegida diyaaradaha markii ciidamada Mareykanka ay baxayaan, gaar ahaan hanjabaadda gantaallada iyo waxyaabaha qarxa ee baabuurka lagu xiro.
Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay fulisay diyaarad aan cidi wadin oo gantaal ku dhufatay gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Saacado ka hor ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha Kabul waxaana muuqaalada telefishanka ay muujinayaan qiiq madow oo cirka u soo baxaya. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha.
Laba goobjooge ayaa sheegay in qaraxu u muuqday mid ka dhashay gantaal ku dhacay guri ku yaal aag dhinaca woqooyi ee garoonka diyaaradaha, laakiin si dhab ah looma xaqiijin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com