Xilli uu Madaxweyne Joe Biden ka digay Qaraxyo ka dhici kara Caasimada dalka Afganistan ee Kabul ayaa waxaa la soo weriyey in Shanqarta Qarax laga maqlay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee HKIA ee Kabul.
Wakaalladda Wararka AFP waxay sheegtay in Qaraxa Gantaalka RBG laga maqlay Kabul, balse, Faahfaahin kale lama bixinin.
Ciiddanka Ammaanka ee Afganistan waxay iyagana sheegeen inuu Gantaal ku habsaday guri ku yaalla Degmadda 9-aad we magaalladda Kabul, balse, lama soo werinin Khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa maanta laga maqlay Kabul waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay hawlgalladii daad-gureynta dadka Shisheeyaha iyo kuwa la shaqeyn jirey Reer Galbeedka si xawli ah uga socdaan Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport (HKIA) ee magaalladda Kabul.