Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Afar Mataano ah oo hal mar ka qalin jebiyay Jaamacad kutaala dalka Britain

Afar dhalinyaro oo mataano ah kana soo jeeda dalka Imaraaadka Carabta ayaa markii ugu horeesay si wadajir ah uga qalinjebiyay jaamacad kutaala dalka Britain iyaga oo bartay cilmo kala duwan .

Mataanahan oo ah sadex wiil iyo hal gabar ayaa da’dooda waxa ay tahay 20-sano jir , waxa ayna hada ka qalinjabiyeen jaamacada Oxford Brookes ee ku taalla Britain ay ku biireen sanadkii 2018-kii.

Afartan mataanaha ee kala ah Aayah, Cabdiraxmaan, Osama iyo Axmed Shacbaan ayaa siyaabo kala duwan jaamacada Oxford Brookes uga bartay cilmiga Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha.

Mataanahan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in si wadajir ah uga qalinjebiyeen jaamacada Oxford Brookes , waxa ayna sheegeen in casharo badan oo dhanka nolosha ah ka kororsadeen jaamacada ay dhiganayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Boobkii & awood Maroorsigii Farmaajo laga diiday ka yeeli mayno cid kale”

Caydiid Ali

Laftagareen oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo saakay goob fagaare ah lagula fuliyay Cabdiqaadir Faarax dhaqane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---