Magaalada Cankiri ee dalka Turkiga waxaa tababar loogu soo xiray dufcadii ugu horaysay ee gabdho dhamaystay tababar ciidan, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo Turki ah ayaa ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xirayay gabdhahan kamid noqday ciidamada booliiska ee Haramcad.
Janaraal Xijaar oo ka hadlay munaasabada tababarka loogu soo xiray gabdha katirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay muujiyeen dadaal badan aadna u amaaneen saraakiishii iyo macalimiintii tababarka siineysay.
Waxa uu sheegay taliyaha in gabadhan katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad looga fadhiyo shaqo Qaran marka ay dalkooda dib ugu laabtaan lagana doonayo in difaaca dalka iyo dadka.
Gabadhana kamid noqday Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa la filayaa in dhawaan lagu soo celiyo magaalada Muqdisho si ay uga howlgalaan caasimada iyo deegaano kale ay joogaan ciidamada Haramcad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com