Kooxda Taliban ee xooga kula wareegtay talada dalka Afganistan ayaa lagu eedeeyay in ay bilowday beegsida dad gaar ah gaar ahaan fanaaniinta , xili kooxdaasi horey u balan qaaday in aysan aargoosi iyo dhibaato geesan doonin.
Dagaalyahano katirsan kooxda Taliban ayaa la sheegay in ay hoygiisa kala soo baxeen kadibna dileen fanaan lagu magacaabi jiray Fawad Andarabi oo caana ka ahaa Gobalka Baglan ee W/bari ee dalka Afganistan.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee dalka Afganistan, Mascuud Andaraabi ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in Taalibaan gurigiisa oo kuyaala Degmadda Andarab, kala baxeen kadibna dileen Fanaan Fawaad.
Fanaankan la dilay ayaa inta badan qaadi jiray heesaha dhaqanka ee Afganistan gaar ahaan waxa uu madaadaalin jirey dadka ku nool Dooxada Panjshir isaga oo u qaadi jiray heeso uu ku amaanayo Quruxda Dooxada iyo Guud ahaan quruxda Guud ee Deegaanka.
Kooxda Taliban ayaa dhawaan shaacisay in dalka Afganistan ka mamnuucday heesaha muusikada leh uu horey u xaraantimeesay diinta Islaamka, waxa ay sidoo kale mamnuuceen dhaqamada kale ee diinta Islaamka kasoo horjeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com