Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka hadashay in ay qaabilayaan Qaxooti Afganistan laga soo daad gureeyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahinayay war sheegayay in dowlada Mareykanka ka dalbatay maamulka Somaliland in si KMG ah u qaabilaan qaxooti laga soo daad gureeyay dalka Afganistan.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleemaan Cali Koorre ayaa beeniyay warkan la baahiyay ee ku aadanaa in dowlada Mareykanka maamulkooda ka dalbatay in ay qaabilaan qaxooti Afganistan laga soo qaaday.

Waxa  uu sheegay Wasiirka in warkan la faafiyay kaliya ka maqleen warbaahinta uuna yahay mid waxbo kamia jiraan ah, waxa uuna cadeeyay in hadii Mareykanka kasoo dalbado arintan iyagu u madax banaan yihiin go’aankooda.

”Wararkaa lagala hadlayo qaxooti reer Afganistan oo imaanaya Somaliland wali maamulkayag si cad uma heyno, ilaa hada war ah in xukuumada Somaliland qaabileyso qaxooti Afganistan ah ma heyno, ma jirto codsi aan Mareykanka u dirnay oo ku aadan in Qaxootiga qaabilno ma jirto” ayuu yiri Wasiir Saleemaan Koorre.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Uganda laga soo dejiyay qaxooti reer Afganistan ah oo Mareykanka kasoo daabulay dalka AFganistan kadib markii ay la wareegeen kooxda Taalibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo fariin u diray Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii xalay

Caydiid Ali

Villa Somalia oo War kasoo saartay Ujeedka Madaxweyne Xasan Shiikh u aadayo Arusha

Cabdi Cade

Abiy Axmed iyo Fred Matiangi oo kawada hadlay khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---