Ciidamada amaanka ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafada Cali Turcaaye degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu watay qoray AK-47 iyo Bambooyin .
Masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Yaqshiid ayaa sheegay in ciidamada oo howlgal roondo ah ku jiray la kulmeen ninkan hubeesan kaa oo ay sheegeen in uu isku dayay in uu la dagaalamo ciidamada amaanka.
Ciidamada amaanka ayaana goobtaasi ku toogtay ninka hubeesan kana qaaday hubkii ay wateen, waxaana ninka la dilay ciidamada geeyeen xarunta Dmabi baarista ee CID-da halkaas oo lagu baarayo.
Kooxo hubeesan ayaa xiliyada qaar dhibaatooyin ka geesta xaafado katirsan magaalada Muqdisho, lamana sheegin wali ninkan ciidamada toogteen in uu kamid ahaa kooxaha hueesan ee dowlada dagaalka kula jira iyo in kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com