Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo shaaciyey tirada dadka uu illaa hadda ka daabulay garoonka kabul

Maraykanka ayaa ka warbixiyay daadguraynta ka socota garoonka diyaaradaha ee Kabul iyo tirada dadka illaa hadda ay ka soo daabuleen garoonkaas.

Gen. William Taylor oo ah sarkaalka howlgalada daadguraynta Maraykanka u qaabilsan ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay Afghanistan ka soo qaadeen dad gaaraya 117,000 kun oo qof (Boqol toban iyo todoba kun oo qof)

Waxaa uu sheegay in 1,400 oo qof maanta la diiwangeliyay haatana ay sugayan inay diyaaraduhu daabulaan.

Kumanaan kale oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxaan dalkaasi oo ah 31 August.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka ka dib qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay garoonka oo ay ku dhinteen ku dhowaad 80 qof oo ay ku jiraan 13 Maraykan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isku soo bax lagu taageerayey hadalkii Antonio Guterres oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir looga hadlayay Qoondad Haweenka ee Gollaha Deegaanka oo Gaalkacyo lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Video:-Goob fagaare ah oo lagu toogtay nin isla guursaday gabar iyo hooyadeed & Wararkii ugu dambeeyay Dilal dhacay !!

admin
Taboola Ads ---