Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaano Mareykan ah oo ku baaqay in Dowlad loo aqoonsado Kooxda Iska-caabinta Taalibaan

Xildhibaano katirsan Koongareeska Mareykanka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Joe Biden in dowlad u aqoonsado kooxda iska caabinta Taalibaan ay hogaamiyaan Madaxweyne kuxigeenkii Afganistan iyo Hogaamiye Axmed Mascuud.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen Senator Mike Waltz iyo Senator Lindsey Graham ayaa waxa ay ka codsadeen Maamulka Madaxweyne Joe Biden inay Kooxda Mucaaradka ku ah Taalibaan loo aqoonsado inay yihiin Wakiilada Dowladda Sharciga ee Afganistan.

Xildhibaanadan katirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa shalay wadahadal la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenka Afganistan, Amrullah Saalax iyo Wakiilo ka socday Axmed Mascuud oo ah hogaamiyaha kooxda iska caabinta Taalibaan .

Labadan Xildhibaan ayaa Madaxweyne Joe Biden ka codsaday in uu aqoonsado in Dastuurka Afganistan weli nool yahay iyo inay Sharci-daro tahay Talada ay Taalibaan la wareegeen.

Dowladii Afganistan ayaa bur burtay kadib markii kooxda Taalibaan awood kula wareegtay magaalada Kabul iyo gobolada dalkaasi, waxaana kooxda Taalibaan dagaal ka dhan ah ku dhawaaqay koox ay horkacayaan Madaxweyne kuxigeenkii Afganistan iyo Axmed Mascuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

SHIR JARAA’ID: Wasiirada A/Dibeda Somalia, Turkey & Itoobiya

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Congreska Mareykanka oo su’aalo adag weydiiyey Maamulaha TikTok

Caydiid Ali

Gabar 12-sanno jir ah oo dishay Walaalkeed iyo Booliiska oo baaritaan wada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---