Waxaa sii xoogeesanaya dagaalka u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee kuwada nool gobolka Citi ee dalka Itoobiya, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Milatariga dowlada Fedeaalka Itoobiya ayaa lagu amray in ay faragalin ku sameeyaan dagaalka u dhaeeya labada qowmiyadood oo kusii fidaya gobolka Citi, waxaana milatariga la faray in ay dagaalka soo afjaraan ayna kala dhax galaan labada dhinac.
Saraakiil katirsan milatariga Itoobiya ayaa sheegay in la filayo in ciidamada federaalka tagaan goobaha ay ku dagaalamayaan la bada qowmiyadood si ay u joojiyaan colaada dhiiga badan ku daatay.
Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa horey ugu eedeesay ciidamada federaalka Itoobiya in aysan aheyn dhax dhaxaad iyagoo arkayana dad Soomaali ah hortooda ku laayeen maleeshiyaadka Canafrta.
Dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya ayaa lagu guul dareestay in lasoo afjaro, waxaana dagaalkan oo salka ku haya dhul galaaftay nolosha dad badan oo labada dhinacba kasoo jeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com