Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Galmudug: “Ma jirto degaano ciidankeenu ka baxeen oo Al-Shabaab ay dib u qabsatay”

Wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudg Axmed Shire Falagle ayaa beeniyay in ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii dagaalka ee Koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in ciidamada xoogga aysan ka bixin deegaanada Camaara, Bacadweyn, Shabeelow iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, ayna wararkaas yihiin been abuur.

Meelaha qaar waa laga yaabaa in xeelad dagaal awgeed ay ciidamadu dib uga gurtaan, balse ma jirto degaano la baxay oo ay Al-shabaab dib u qabsatay” ayuu yiri Wasiir Falagle

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Xoogga iyo daraawiishta Galmudug ayaa gabi ahaanba isaga baxeen degaanada ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, sida Bacaadweyn, Camaara iyo meelo halkaasoo mudooyinkan dagaalo culus ay ku dhexmarayeen ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo mar kale raashiin gargaar ah hawada kaga daadiyey Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada “Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Qardho

Caydiid Ali

Faahfaahin ka soo baxeysa weerar ka dhacay xaafada Xamar-Jadiid ee Magaalada Muqdisho

admin
Taboola Ads ---