Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

COVID-19 oo 24 saac gudahood Magaalo Soomaaliyeed ku dilay ku dhowaad 100 qof

Dadka xanuunka COVID-19 ugu dhimanaya magaaladda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si weyn u korortey, waxaana jirta tiro dad ah oo uu dhintay xanuunkan 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa saraakiisha gobolka ay ku sheegeen inay gaartay 100, iyadoo Wasaaradda Caafimaadkuna ay walaac ka muujisay.

Boqolaal kale oo la ildaran cudurkaas ayaa la soo sheegayaa in xaaladooda lagula tacaalayo goobaha Caafimaadka ee Magaaladaas, kuwaasoo u badan dad da’ ah.

Maamulka Gaarisa ayaa baaq deg-deg ah u diray xukuumadda dhexe, iyagoo dalbanaya inay u soo gurmato, ayna gabaabsi yihiin  Ogsijiinta iyo waxyaabaha kale ee looga hortago cudurkan.

Gaarisa ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay dhulka Soomaalidu degto ee 24 saac gudahood uu Covid-19 ku dilo ku dhowaad 100 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlaman qorsheynaya in Maamulka Somaliland lagu daro liiska argagxisada

Caydiid Ali

Siyaasi ku caan baxay aflagaadada diinta Islaamka oo ugu dambeyn Islaamay

Caydiid Ali

Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil isugu jira Soomaali & Itoobiyaan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---