Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Burcad shacabka ku dhaceysay bastoolad caag ah oo Muqdisho lagu qabtay

Booliska gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid waxay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro burcad ah.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa sheegay in Maamulka degmada iyo Ciidamada Booliska oo iskaashanaya ay qabteen burcaddan oo uu sheegay in dadka ay ku dhici jireen Bastoolad Caag ah.

Laamaha Amniga degmada Yaaqshiid ayaa dhankooda sheegay in ragga burcadda ah ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayay Shacabka degmada, isla markaana ay ku wareejin doonaan Hay’adaha garsoorka dalka si loo Maxkamadeeyo.

Dadka ku nool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa ay ka cabanayeen mudooyinkan burcad dhac u geysanayay xiliyada habeenkii, iyagoo ka qaadanayey telefabada gacanta iwm.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada : Wiil 11-Sano jir ah oo awoodiisa dad badan ka yaabeen  !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo faahfaahin ka bixinaya 5 qodob oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Dal Carbeed oo Viiso u diiday Ciyaartoy u dhalatay Israa’iil

admin
Taboola Ads ---