Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay magaalo kutaala dalka Koonfur Afrika

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in caawa kooxo hubeesan dil u geesteen labo muwaadin oo Soomaali ah kuwaa oo ku sugnaa dukaan kuyaala deegaanka Khayalisha ee magaalada Cape Town.

Kooxda hubeesan ayaa la sheegay in dil u geesteen labadan muwaadin oo lagu magaacabayay Cabdulaahi Maxamuud Maxamed iyo Maxamed Ismaaciil Cali, waxaana dilka kadib burcada dukaanka ka tageen iyaga oon dhac geesan.

Gudoomiyaha Jaaliyada Save Somali Cumunity Cabdi Calas Guure oo tagay halka lagu dilay muwaadiintan Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay aad uga murugeesan yihiin dilka dhacay, waxa uuna xusay in booliiska ay wadaan baaritaano.

Cabdi Calas ayaa sheegay in kooxaha burcada ah markii dilka geesteen kadib goobta ka baxsadeen, waxa uuna xusay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii burcadaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa si sharciga loola tiigsado.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday dal si macno daro ah loogu dilo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku ganacsatada, mana jirto dowlada u dooda xaquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xili walbo dalkaasi lagu beegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad carbeed oo soo riday qaar ka mid ah dayuuradihii Iran ku weerartay Israel

Caydiid Ali

Dayuurada Turkish Airlines oo ku xaniban Jabuuti iyo Fahad Yaasiin oo la socda

Caydiid Ali

Mareykanka oo min 30-sanno ku xukumay Wasiir hore iyo sargaal Soomaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---