Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dil ka dhax dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in gudaha saldhiga magaaladaasi uu ka dhacay dil loo geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Sida aan wararka ku helnay askariga la dilay oo lagu magacaabayay Cumar Cabduqaadir Jaamac waxaa dilkiisa fuliyay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka booliiska oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Naasir Doceey.

Labada askari ayaa la sheegay in uu dhax maray muran xoogan oo ugu dambeyn sababay in la dilo Cumar, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday askariga booliiska ee dilka ku dhax geestay gudaha saldhiga Dhuusomareeb.

Ciidamada booliiska ee ka howlaga magaalada Dhuusomareeb ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan askariga dilka geestay, mana jiro wax war ah oo booliiska iyo maamulka magaalada kasoo saareen dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanno katirsan Galmudug oo la ganaaxay iyo Falal ay ku kaceen oo la cadeeyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan Digniinaha loo dirayo

Cabdi Cade

Taiwan oo Haaf Milyan Dollar ugu deeqday maamulka Somaliland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---