Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan nin hubeysan oo maanta lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii israsaaseyn dhexmartay ciidamada amaanka
Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.
Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya, waxaana sidoo kale israsaaseyntaas ku dhintay labo shan qof oo ay ku jiraan  saddex Boolis ah.
Dhinaca kale Safaaradda Mareykanka ee Tanzaania ayaa muwaadiniinteeda ku boorrisay inay feejignaan badan muujiyaan.
Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa weriyayaasha u sheegay in ninka weeerarka soo qaaday uu Soomaali ahaa inkastoo uusan sheegin magaciisa.
Ma cadda weli in weerarka oo ka dhacay aagga sida aadka ah loo ilaaliyo uu ahaa weerar argagixiso balse dambi-baare Sirro ayaa sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com