Kooxda Taliban ayaa Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ku amaryay inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kabul, ayaa afhayeenka Taliban wuxuu sidoo kale kaga hadlay daad-gureynta uu Mareykanku horkacayo ee ka socota caasimadda, Kabul
Mar uu ka hadlayay xaaladda haweenka Afghanistan, ayaa wuxuu sheegay in xayiraaduhu ay yihiin kuwo muddo gaaban jiraya.
“Ciidamadeenna ammaanka uma tababarna sida loola dhaqmo haweenka – sida loola hadlo qaar ka mid ah haweenka, Ilaa aan qorshe ammaan oo buuxa ka sameyneyno, waxaan haweenka ka codsaneynaa inay guryaha joogaan. ayuu yiri Mujahid. ”
Taliban, oo soo rogtay shuruuc adag markii hore ee ay heysay talada Afghanistan kahor 2001, ayaa sagaal maalmood kahor gacan buuxda ku dhigay dalkaas.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan warar “la isku halleyn karo” oo tibaaxaya tacaddiyo ay Taliban geysteen, sida xayiraado ay ku soo rogeen haweenka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com