Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Al-Shabaab oo soo bandhigtay hub & Gaadiid ay ku qabsatay dagaalkii Camaara

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawiradda Gaadiid iyo Hub ay ku qabsadeen dagaalkii ay shala ku qaadeen saldhiga ciidanka Dowladda  Fedreaalka iyo kuwa Galmduug ee deegaanka Cammaara ee gobolka Mudug.

Alshabaab ayaa sheegatay inay Dagaalka ku dishay askar ka badan 15, kuna qabsatay 18 gaari oo isugu jira Gaadiidak dagaalka iyo kuwa Xamuulka.

Waxaa ka mida sida ay sheegeen Gaadiid casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Galmudug Axmad Kaariye Qoorqoor.

Sawirrada ilaa hadda lasoo bandhigay waxaa ka muuqda ilaa 8 gaari oo Gaari xamuul ah ku jiro iyo Saanad hub ah, Waxaana dhinaca Galmudug uu beenisay in  shalay laga qabsaday Camaara ama lagala wareegay wax Gaadiid iyo hub ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulankii Farmaajo la yeelan lahaa Baarlamanka oo fashilmay iyo beesha caalamka oo..

Caydiid Ali

Danjire muddo xileedkiisu dhamaaday oo dalka laga sagootiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Meydka Marxuum Maxamed Qanyare oo saakay lagu aasayo Dayniile iyo Masuuliyiin..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---