Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay inay xiriir iyo wadatashi la furtay hogaanka Taliban, kadib kulan dhex-maray wakiilo ka socday kooxda iyo safiirka Shiinaha ee Kabul.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda China, Wang Wenbin ayaan faahfaahin intaas dheer ka bixin wadahadallada oo Talaadadii dhexmaray ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan Abdul Salam Hanafi iyo danjire Wang Yu.
Hase yeeshee waxa uu sheegay in China ay Kabul u aragto masrax iyo marin muhiim ah in labada dhinac ay kaga wada-hadlaan dhammaan arrimaha.”
China ayaa bishii tegtay wada-hadallo ku marti-gelisay wafdi uu hoggaaminayey hoggaamiyaha Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar, kahor inta aysan kooxda la wareegin Kabul.
China ayaa sidoo kale waxaa weli u furan safaaraddeeda Kabul, waxayna sheegtay inaysan wax qorshe ah ka laheyn inay muwaadiniinteeda ka daad-gureyso Afghanistan, halka ay sidoo kale Mareykanka si joogto ah ugu cambaareyso qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com