Allbanaadir.com
NEWS

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska oo sameeyey Dhoolatus & Shidaal-siin (Sawirro)

Diyaaradaha Dagaalka dowladaha Masar iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolo tusĀ  ay kusoo bandhigayeen awoodooda, waxa ayna diyaaradahan hawada sare ku sameeyeen dhoolo tusyo cajiib ah ay ku jiraan shidaal siin ah.

Dhoolo tuskan ay sameeyeen ciidamada cirka Masar iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa ka qeyb qaatay noocyada Diyaaradaha Dagaalka ee heestaan dalalkaasi oo kala ah Mirage 2000, Rafale iyo F-16.

Afhayeenka Milliteriga ee dalka Masar ayaa sheegay in dhoolo tuskan yimid Ā iyadoo la raacayo Jadwalka Shaqo ee lagu xoojinayo Iskaashiga Milliteriga ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Faransiiska.

Dowlada Masar ayaa mudooyinkii dambe waday dhoolo tusyo ay kusoo bandhigeyso awoodeeda, waxa ayna dhoolo tusyadan imaanayaan xili Masar uu khilaaf ka dhashay buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil kala dhaxeeyo dowlada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/kMPNtsDkYLk

Related posts

Madaxweyne Donlad Trump oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Cabdi Cade

Musharax Khayre oo galabta ku biiray wufuuda ku sugan Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Afar nin oo Shiinees ah oo laga tarxiilayo dalka Kenya iyo Sababta keentay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---