Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Somalia oo shaacisay iney u howlgaleyso xalinta tabashada reer Hiiraan

Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay ineu dedaal u galayso xalinta tabashada shacabka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabelle.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raisal wasaare Rooble uu diyaar u yahay xalinta tabashada shacabka reer Hiiraan kala dhaxeyso maamulka Hirshabelle.

Hadalka ka soo yeeray Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili Baledweyne ay maalmahan ka jireen xiisado kacsan ka dib markii muddo laba maalmood ah ay xarumahii Hirshabeelle gacanta ku hayeen ciidamo la baxay Badbaado Hiiraan.

Dhinaca kale, Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan ayaa iyo xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka ayaa galinkii dambe ee maanta kulan kula qaatay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Saraakiisha ciidanka la baxay Badbaado Hiiraan, waxaana kulankaas ka soo baxay in magaalada laga saaro ciidamadii maalmahan ku sugnaa laguna celiyo xeryahooda si xaalada loo dejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Yair Lapid oo booqasho taariikhi ah ku tagay Imaaraadka Carabta (Sawirro)

Caydiid Ali

Dayax Madoobaad la sheegay in laga arkayo Qeybo kamid ah Caalamka

Cabdi Cade

Xarunta labaad ee Wasaarada Maaliyada Somalia oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---