Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa dib u qabsaday maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasoo muddo kooban ay soo galeen Al-Shabaab
Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka. Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.
“Ciidamada huwanta ah ee qaranka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa saacado ka dib galabtay dib u qabsaday magaalada Camaara oo saacado kooban ay argagixisada Shabaab subaxnimadii maantay ay yimaadeen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada amniga Galmudug .
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Al-shabaab khasaare xoogan loogu geystay dagaalkii maanta.
“Duqaymo dhanka hawada oo is xigxiga ayaa ciidamada huwantu dul istaageen maydadka argagixisada oo ka badan 60, ayagoo horey u sii qaatay tiro intaas aan ka yarayn. Â Waxaan ammaan iyo bogaadin mudan geesiyada naftood hurayaasha ah, ayadoo aan ka tacsiyadayno shuhada qiimaha badan ee naftooda u hibeeyey ka xoraynta geyiga Soomaaliya argagixisada ku soo duushay, intooda dhaawaca ahna waxaan ilaahay uga rajaynaynaa caafimaad degdeg ah” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com