Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo kulan qarsoodi ah la qaatay hogaamiyaha Taliban

Agaasimaha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA William Burns ayaa la sheegay inuu kulan qarsoodi ah magaalada Kabul kula yeeshay hogaamiyaha Taliban Cabdul Ghani Baradar sida uu qoray Wargeyska Washington Post

Saraakiil Mareykan ah oo codsaday in magacooda aan la shaacin ayaa waregeyska u sheegay in labada dhinac ay ka wada  hadalleen arrimo ay ka mid ahaayeen waqtiga kama dambeysta ee ka bixitaanka Mareykanka ee dalka Afghanistan oo ku beegan 31-ka August.

Saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa diiday in ay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirka wadamada G-7 ay hogaamiyayaasha ku cadaadinayaan madaxwayne Joe Biden inuu dib u dhigo waqtiga ka bixitaanka ciidamada mareykanka ee dalka Afghanistan.

Kooxda Taliban ayaa ka digeysa in ka bixitaanka Maraykanka ee garoonka dayuuradaha Kabul ay dhaafto xiliga lagu heshiiyey ee ah 31-ka bishan, iyagoo sheegay in talaabadaas aysan aqbali doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa DF oo digniin ka soo saaray doorashooyinka

Caydiid Ali

Dagaal goordhaw ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho iyo Masuul ku dhaawacmay

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay Ninkii fuliyey toogashadii Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---