Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taalibaan oo ka digtay qorshe cusub ay ka fakarayaan Mareykanka iyo xulafadiisa

Taalibaan ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyeso kumanaanka qof.

Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray.

Hase yeeshee ayada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August.

Si kastaba, Taalibaan ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso.

Afhayeenka kooxdaas Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinika Sky News in joogitaan kasta oo militari shisheeye oo ka baxsan waqtiga lagu heshiiyey ay noqon doonto “dheereynta haysashada” dalka.

“Haddii Mareykanka iyo UK ay doonayaan waqti dheeri ah oo ay kusii wadaan daadgureynta – jawaabta waa maya.. waxaa jiri doona cawaaqib,” ayuu yiri Shaheen.

Taalibaan ayaa hadda ka shaqeyneysa dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee laba il-wareed oo ka tirsan kooxda ayaa AFP u sheegay inaan lagu dhawaaqi doonin golaha wasiirada, illaa askariga ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka tago Afghanistan.

Orodka loogu jiro ka tagista Kabul ayaa garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ka abuurtay qalaalaase iyo muuqaallo argagax leh, ayada oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin la dhashay Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa la dilay

Caydiid Ali

Fanaan Caan ah oo soo bandhigay Talooyin looga hortagi karo Fatahaada Wabiyada

Cabdi Cade

Dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino kasoo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---