Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa Keenay Safarka Deg Deg Ah Ee Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Ku Yimid Muqdisho?

Booqashada deg deg ah ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed uu ku yimid Magaalada Muqdisho waxeey ku soo aaday xili Todobaadkan dalka itoobiya uu marti ku ahaa ninka da’ada yar ee ah dhaxal sugaha Dawlada imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Qoraalkan kooban waxaan ku sharaxyaa sababta keentay in Dr Abiy maalin kadib markii uu Addis Ababa ku qaabilay ninka leh dhaxalka boqortooyada Imaaraatka Carabta, waxa keenay in uu u soo dhoofo Magaalada Muqdisho iyo Mashruuca cusub ee loo soo dhiibay.

Dawlada imaaraadku waxeey lagashay dawlada itoobiya heshiisyo maalgashi oo gaaraya dhaqaale dhan $ 3 Billion  oo doolar waxaana Dawlada Imaaraadka  si deg deg ah u bixinaysaa $ 1 billion oo Dollar  oo lagu kabayo bangiga dhexe ee Itoobiya, Si lacagta birta itoobiya looga ilaaliyo inay hoos u dhac ugu yimaado waxaana sheegay sidaas  Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Ahmed Shide.

Booqashada Abyi Ahmed waxeey sidoo kale ku soo aaday iyadoo uu dalka ka maqan yahay Fahad Yaasiin oo ka shaqeeya Xeriirka Soomaaliya Iyo Qatar kana soo hor jeeda siyaasadda  Itoobiya oo xulufo la ah Imaaradka Carabta iyo sacuudiga.

Raysal wasaraaha itoobiya waxuu sheegay inuu  sido aragti cusub, xariir cusub, wada noolaasho cusub isla markaana uusan dooneeyn in Siyaasadiisa lagu lumiyo siyaasadii hore ee u dhaxeeysay labada dal.

 Socdaalka Raysal wasaare Abiy Axmed ee magaalada moqdisho ku yimid ku cadeynayaa ineey tahay  mid uu ku raadinayo in isku soo dhaweeyo dawlada Imaaraadka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa iska wada ognahay in dawlada Faderaalka ah ee xukunta agagaarka Villa Soomaaliya  inaanay waxba ka diidi karin Siyaasada Dawlada itoobiya wadato oo Dawlada imaaraadku mashruuca ku soo siisay.

Safarka Raysal Wasaare Abiy Axmed ee Magaalada Moqdisho ku yimid  waa danta Dawlada Itoobiya oo ah in Villa Soomaaliya laga saaro siyaasada dawlada Qatar.

Sidaad darteed bal wax iska weydii su’aalaha :  ma suurtagal baa in dawlada itoobiya Madaxweyne Farmaajo ka dhaadhiciso soo celinta xeiirka Imaaradka? Mooqif noocee ah ayuu qaadan kara, Xagee ku danbayn doonaan  kooxda Qatari-nisimka jecel ee uu Hogaamiyo ninka da’da yar ee Fahad Yasiin?

Raysal wasaare khayre iyo madaxda maamul Gobaladu mataageeri doonaan Mashruuca dawlada itoobiya wadato ee ah in Qatar xiriirka loo jaro.

Su’aalo badan waxeey hor yaalaan kana jawaabi doona kooxd xukunta villa Soomaaliya.

Socdaalka Raysal wasaare Abiy axmed ee uu moqdisho ku yimid waa mid Taariikh ah oo ka tarjumaya sida dhulka soomaaliya uu muhiim ugu yahay Degenaashaha Geeska Afrika.

W/Q: Danjire Maxamed Nuur Caalim

E-mail: Caalim68@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo iskaashi cusub yeelanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Somalia & dowlad goboleedyada oo War ka soo saaray canshuurta Gadista

Caydiid Ali
Taboola Ads ---