Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo dhax maray Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soonaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hogaaminaya xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir looga hadlayo Arrimaha Geedi socodka Doorashooyinka la qaatay Wakiiladda Beesha Calamka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray guulaha laga gaaray hirgalinta doorashada iyo qabsoomida doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanaka federaalka oo qaar badan oo kamid ah la doortay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa u sharaxay Wakiilada Beesha Caalamka habraacii doorasho ay soo saareen iyo sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho raali laga yahay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale beesha caalamka mar kale ka codsaday bixinta dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada si loo guda galo doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo ka dib dhacday xiligii loo qorsheeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta oo ku baaqay in uu sii socdo Wadahadalada Xukuumada Rooble

Cabdi Cade

Nin Gacmo laawe ah oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha kubadda Miiska (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharax Si cad u sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---