Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirkii Reerka Afgaanistan ee sida lama filaanka isugu bedelay Cunto geeye !(Sawirro)

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa si weyn u hadal haya sheekada Wasiir katirsanaa dowladii hore ee Afganistan oo u qaxay dal kuyaala Qaarada Yurub iskuna bedelay shaqaale cunto geeye ah .

Wasiirkii hore ee Isgaarsiinta ee dalka Afganistan, Sayid Axmed Shah Saadaat ayaa isku bedelay cunto geeye u shaqeeya shirkad cuntooyinka ka ganacsatada oo kutaala magaalladda Leipzig ee Bariga Jarmalka oo hada kunool yahay.

Sayid Axmed Saadaat ayaa ahaa Wasiir katirsan xukuumada Afganistan sanadihii 2018-kii ilaa 2020-kii ,waxaana wasiirkan marka uu xilka ka tagay sanadkii hore 2020-kii tagay dalka Jarmalka uu ka bilaabay nolol cusub oo ka duwan tiisii hore.

Waxa uu sheegay Wasiir hore Saadaat in uu hada ka shaqeeyo Shirkadda Cuntooyinka ee Livrando ee Jarmalka, waxa uuna xusay in uu Baaskiil ku geeyo cuntooyinka Xafiisyada iyo Guryaha laga soo dalbado.
Wasiirkan duruufta kadaba timid ayaa sheegay in sababta shaqadan u doortay ay tahay in ay ka dhamaatay qarashkii keydka u ahaa ayna dantu ku qasabtay in nolol cusub bilaabo iskuna bedelo cunto geeye baaskiil wata.
Sayid Axmed Saadaat  ayaa ah aqoonyahan wax kasoo bartay kana soo baxay Jaamacadda Oxford University ee dalka UK, waxa uuna kasoo shaqeeyya in ka badan 20-dal, isagoona ugu dambeyn Wasiirka isgarasiinta kasoo noqday dalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta Yemen oo Badda cas ku weeraray Maraakiib kale oo laga leeyahay Israel

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Danab oo baacsanaya Dagaalyahanadii weeraray Janaay Cabdalla

Cabdi Cade

Ma’suul ka tirsanaa Villa Somalia oo dalka ka baxsaday & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali