Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Baldoosarkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda Daacad u noqday Taliban (Sawirro)

20-kii sano ee lasoo dhaafay dalka Afghanistan iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka waxaa caan ka ahaa nin lagu naaneysay “Baldoosarka reer Afghanistan”.

Mareykanka ayaa ninkaas la kaashanayay dagaalka ka dhanka ah ururka Taalibaan, waxaana uu ka mid ahaa shaqkhiyaadkii ugu horreeyay ee gacan saarka la sameystay Washington.

Isla ninkaas hadda waxa uu noqday “Baldoosarka Taliban” waxaana uu u adeegi doonaa danahooda.

Gul Agha Sherzai waxa uu horay u ahaan jiray xubin ka tirsan laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Sidoo kale waxa uu ahaan jiray hoggaamiye kooxeed dagaal ooge ah.

Horay waxaa kale oo uu usoo noqday barasaabka gobollada Qandahaar iyo Nangarhar ee waddanka Afghanistan.

20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu tilmaami jiray “ninka Mareyknaka u leyn jiray xubnaha Taliban”.

Laakiin maalintii Axadda ayuu u dhaartay Taalibaan lafteeda, waxaana uu ballan qaaday in uu iyaga daacad u ahaan doono.

Mas’uuliyiinta Taalibaan waxa ay sheegeen in Gul Agha Sherzai uu qayb ka noqon doono dowladda ay soo dhisayaan.

“Dilaagii leyn jiray Taalibaan”

 

Sanadkii 2001-dii, markii ay ciidamada uu Mareykanka hoggaaminayay ee NATO weerareen Afghanistan si ay halkaas uga saaraan Taalibaan, Gul Agha Sherzai waxa uu noqday hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay ee taageeray Mareykanka.

Waxa uu ku biiray CIA-da ka howl galeysay gobolka dhinaca koonfureed xiga ee Qandahaar, waxa uuna qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Taalibaan.

Inta aysan Taalibaan xukunka qabsanin markii ugu horreysay waxa uu ahaa barasaabka gobolka Qandahaar, bannaanka gobolkaas ayuuna joogay ilaa markii Taalibaanka laga adkaaday sanadkii 2001-dii.

Islamarkii xukunka laga tuuray Taalibaan ayuu dib ugu soo laabtay gobolka si maamulkiisa qabto.

Waxa uu aad ugu dhawaa saraakiisha CIA-da iyo madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai. Xilka guddoomiyaha gobolka Qandahaar waxa uu hayay ilaa sanadkii 2003-dii, markaas kaddibna waxa uu noqday Barasaabka gobolka Nangarhar.

Maxay tahay sababta Gul Agha Sherzai loogu bixiyay “Baldoosar”?

Sida laga soo xigtay dad saaxiibbadiis ah iyo guddoomiye gobol oo hore, Gul Agha Sherzai waxaa naaseysta baldoosarka loo bixiyay intii uu barasaabka ka ahaa gobolka Nangarhar, muddadii u dhaxeysay 2005 ilaa 2013.

Dadka ku dhawaa waxay sheegeen in Gul uu booqan jiray dhulka miyiga ah waqtigii uu guddoomiyaha ahaa, waxa ugu weyn ee ay dadka ka caban jireenna ay ahayd in aysan heysanin waddooyin dhisan.

Mar walba oo uu shacabka la kulmo waxa ay u sharrixi jireen sida ay dhib ugu qabaan wadooyinka xiran iyo jidadka aan la dayac tirin. Sidaas awgeed, Sherzai wuu aqbalay dalabka dadka si deg deg ah ayuuna ku billaabay in waddooyinka la dhiso.

Barasaabku waxa uu inta badan lacag u qeybin jiray dadka tuulooyinka daggan marka uu booqdo, islamarkiina waxay billaabi jireen inay waddooyin dhistaan iyagoo adeegsanaya baldoosaro iyo qalabka kaleba.

Ghul Agha Sherzai waxa uu sidoo kale lahaan jiray shirkad isaga u gaar ah oo ka shaqeysa dhismaha, taasoo baldoosaradeeda uu u adeegsan jiray inuu ku dhiso waddooyinka.

Waa taas sababta ninkan loogu naaneysay baldoosarka Afghanistan.

‘Baldoosarkii Afghanistan hadda waa Baldoosarka Taalibaan’

Taageerayaasha kooxda Taalibaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo laga arki karo Gul Agha Sherzai oo ku dhaaranaya inuu daacad u noqon doono hoggaamiyaha Taalibaan Khalilur Rahman Haqqani.

Dhawaan markii ay Taliban la wareegeen Kabul, Gul Sherzai waxa uu shaaciyay muuqaal uu ku hambalyeynayo kuna soo dhaweynayo Taalibaan.

Muuqaal ay sii daayeen Taalibaan ayaa muujinaya Mufti Zakir oo takbiirsanaya kaddib markii uu ballan qaaday daacadnimadiisa, waxa uuna sheegay in Mr Sherzai uu ku dhawaaqay inuu yahay baldoosarka Afghanistan. Sherzai oo ka jawaabaya ayaa madaxa ruxay, isagoo dhahaya haa, aad iyo aad.

Mufti Zakir ayaa mar kale yiri, “Hadda raggan waxay noqdeen baldoosaradeenna”.

Gul, Khalilur Rahman Haqqani iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha kale ayaa la arkayay iyagoo dhahaya Insha Allah.

Madaxda Taalibaan waxa ay sheegeen in aysan cadaawad u qabin hal siyaasi oo reer Afghanistan ah, waxayna ku dhawaaqeen in ay “cafis u fidiyeen” dhammaan siyaasiyiinta reer Afghanistan.

Hase yeeshee, Taalibaan waxaa dhanka kale lagu eedeeyay inay dileen dad badan oo ka mid ah kuwii kasoo horjeeday, iyagoo xitaa isu soo dhiibay. Balse waxay eedeymahaas ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyn ka dhacday Hiiraan oo lagu burburiyey xarunta keydka hubka Al Shabaab

Caydiid Ali

Gabar Wasiir kasoo noqotay Maamul goboleed kuyaala Somalia oo Mareykanka xil ka qabatay

Cabdi Cade

Wiil & gabar walaalo ah oo caawa lagu dilay Muqdisho (Faahfaahino ka soo baxaya)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---