Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Puntland oo u jawaabay Midowga Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya

Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Timacadde ayaa ka jawaabay talaabadii ay midowga musharaxiinta kaga soo horjeesteen habraacii doorasho ee ay soo saareen madaxda golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban RW Rooble iyo madax goboleedyada.

Habraaca la soo saaray ayaa u muuqda mid dowlad goboleedyada siinaya awood ay ku maamulaan, kuna boobaan doorashooyinka, iyadoo dhinaca kale hoos loo dhigay awoodii guddiga doorashada heer federaal.

“Boobkii iyo awood maroorsigii Farmaajo laga diiday laga yeeli maayo Maamullada Gobollada’ ayuu yiri Xassan Shiikh oo ka tirsan midowga Musharaxiinta

Hoos ka akhriso qoraalka jawaabta ah ee uu soo saaray Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland

“Doorashada dalka waxaa la galiyey dadaal badan si wadan ay uga dhacdo doorasho nabad ah oo xilka si nabad ah loogula kala wareego. Golaha wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen 17 Sept 2020  heshiis siyaasadeed waxana Ansixiyey Labada Aqal ee Barlaamanka Federaalka ah 26 Sept 2020. Heshiiskaas ayaa si wayn u soo dhaweyeen Bulshada Soomaaliyeed, iyo mucaaradba, kaas ayaa saldhig u ah hirgalinta doorashada Soomaaliya ee lagu guda jiro. Heshiiskaas qodobkiisa 4aad waxaa uu dhigayay in xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha, bulshada rayidka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF.

Habraaca GWQ soo saray  22 August 2021, waxaa uu ku koobay xulista ergada duubabka/Nabadoonada iyo Bulshada Rayidka ah. Waxaa laga saaray doorkii Dowlaha Xubnaha ka ah DF, si loo ilaaliyo daahfurnanta doorashada iyo in qabaa’ilku si xog ah oo daahfuran ergadadooda usoo xushaan. Wadanku doorasho ayuu aaday, qof kasta door ayuu ka qadanaya”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyay arrimaha Doorashada Somalia & Shirka Afisiyooni oo ..

admin

Wasiir Fiqi oo arrin xasaasi ah kala hadlay Ku-xigeenka Ergayga Q/Midoobay ee Somalia

Caydiid Ali

Puntland oo shaqo joojin ku sameysay masuuliyiin lagu eedeeyey Musuqmasuq (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---