Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dr. Saciid Ciise: “Waa wax aad loola yaabo habraaca doorasho ee la soo saaray”

Dr. Saciid Ciise Maxamuud oo ka tirsan musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa si weyn u dhaliilay habraacii doorasho ee uu soo saaray golaha wadatashiga Qaran oo ay xubno ka yihiin RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Habraaca la soo saaray ayaa u muuqda mid dowlad goboleedyada siinaya awood ay ku maamulaan, kuna boobaan doorashooyinka, iyadoo dhinaca kale hoos loo dhigay awoodii guddiga doorashada heer federaal.

“Waxaan aad uga xumahay in awoodii Doorashada ay ku soo koobantay gacmaha yar ee madaxda maamul goboleedyada iyo raisul Wasaaraha. Waa ceeb cid walba oo loo dhiibo masuuliyad in iyada keliya ay isku koobto, dadkii la wadaagi lahaa awoodana ay bilowga horaba ku awood tiraan” ayuu yiri Dr. Saciid Ciise oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Xisbiga dad Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib-darro ah in gudiga doorashada heer qaran ay awoodiisi meesha ka baxday oo uu raisyl wasaaraha xilkaas uu isagu qaatay, meesha awoodii odeyaasha dhaqanka iyo ergada bulshada rayidka ay la wareegeen madaxda maamul goboleedyada. Kuraasta Soomaliland waxaa lagu aamusiyey inuu Farmaajo qaato qeyb libaax ama u qoonde ahaan u qaato dhamaantood. Doorashada sida muuqata waa boob kuraasta xildhibaanada aqalka hoose iyo mida aqalka sare, waxaan sugnaaba waa khasaaraha ka dhasha boobka codadka sida la rabo loo qorsheeyey in lagu shubto” ayuu intaas ku daray.

Rooble iyo madax goboleedyada ayuu ku eedeeyey iney talaabadan ka leeyihiin ujeedooyin guracan.

“Ayaan darrada ugu weyn ee haysata madaxda maamul goboleedyada iyo raisul wasaaraha waa iyagoon doorashada dhexdhexaad ka ahayn oo dhinacna ku doonaya iney xoolo ku helaan, dhanka kalena qalbiga iyo maskaxda ku haysta musharixiin ay wataan oo ay saaxiib la yihiin iyo kuwo ay dowlado shisheeye qoondadiisa ka soo iibsadeen” ayuu intaas ku daray hogaamiye Saciid Ciise.

Umadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney meel uga soo wada jeestaan shaqsiyaadka doonaya iney ku takrifalaan metelaadooda dowladnimo.

“Shacabka Soomaaliyeed oo kuraasta metalaadooda siyaasadda hab qabiil si xaqa ugu qeybsaday waa ineysan ogolaan awooda meteleysa codkooda in la boobo oo ay iska caabiyaan madaxda hororka ah oo maslaxadooda gaarka ah doonaya iney lacag yar ku gataan ama sida ay rabaan ay ugu hibeeyaan saaxiibadooda siyaasadeed oo aan ka shaqeyneyn danaha dadka ay metelaan. Wakhtiga doorashada waa xiliga loo baahan yahay bulsho kasta iney muujiso Foojignaan iyo iska caabin ay ku diidan yihiin in xuquuqda kuraastooda xoog lagu maquunsado” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Dr. Saciid Ciise.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo qaadatay go’aan cusub kadib markii Maxkamada ICJ soo diiday codsigeydii

Cabdi Cade

Ergaygii gaarka ahaa ee Midowga Afrika u soo Magacaabay Somalia oo iscasilay

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---