Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu C/kariin Guuleed uga leexday saaxiibadiis Midowga Musharaxiinta?

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si ka duwan saaxiibadiis waxaa uu soo dhaweeyey natiijada ka soo baxday shirka golaha wada tashiga Qaran iyo habraacyada uu golahu soo saaray.

Midawga Musharixiinta ayaa la fajacsan siyaasadda dhabarjebinta ah ee uu la soo baxay musharax C/kariin Xusseen Guileed oo haatan u muuqda inuu ka degay tareenkii ay wada saarnaayeen.

“Waxaan rajeynayaa in madaxda golaha wadatashiga Qaran iyo gudiyada loo igmaday doorashooyinka ay xil weyn iska saaraan habsami u qabsoomidda doorashooyin hufan oo ay bulshada Soomaaliyeed ku  kalsoonaan karto” ayuu yiri Musharax Guuleed.

Kulankii maanta midawga musharixiinta ee la filayay in uu taleefanka uga qaybgalo ayaa hawada laga waayay C/kariin Xusseen Guuleed, taasoo u muuqatay mid uu kaga dhuumanayay isbadal uu ku sameeyo mawqifkii uu ku soo dhaweeyay go’aankii Madasha wadatashiga qaran ee uu RW Rooble hogaaminayay.

Guuleed ayaa mudooyinkanba lagu xamanayey inuu ka leexday wadada ay hayeen saaxiibadiis Musharaxiinta ka dib markii arrimo dhowr ah la isku qabtay.

Dadka siyaasada falanqeya ayaa sheegaya in talaabada uu qaaday Guuleed ay tahay ismuujin uu ku raadinayo inuu ku yeesho Miisaan siyaasadeed.

Dhinaca kale, Midowga musharixiin oo u muuqada in waagu ku baryay, ayaa xeelado kala kulmay Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo markii hore ay isku mawqif ka ahaayeen dagaalkii ay kula jireen Madaxwayne Farmaajo, waxayna hadda u muuqdaan in Markii uu dagaalkaas dhamaaday, lagana gaaray danihii laga lahaa, garabkooda laga baxay.

Qodobo ay dalbadeen Midawga Musharixiinta intii uu socday shirkii golaha wadatashiga ayaa la sheegayaa inuu ka hor yimid Madaxwaynaha Puntland, halka madaxda kalena ku raaceen, si madax goboleedyadu awood ugu helaan hogaaminta doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaabka ay u dhacayaan Doorashooyinka Somalia oo la shaaciyay & Rajo laga Muujiyay

admin

Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalo ka fog furumaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

R/Wasaare Denvok oo sheegay in wada-hadal la galayaan Burcad badeed Soomaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---