Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo ka mid ahaa musharaxiin ka hor yimid habraacii ay soo saareen golaha wadatashiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in la cadeeyo habka ay u dhaceyso doorashooyinka.
Xasan Sheekh oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la kala saaro cidda soo xuleyso Ergada iyo cidda ay matalayaan maadaama doorashada ay tahay mid dadbadan.
Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in doorashada ay dhowr jeer dib u dhacday, balse ay hadda muhiim tahay in markale aysan dib u dhicin maalinta sida rasmiga ah u dhaceyso doorashada.
“Boobkii iyo awood maroorsigii Farmaajo laga diiday laga yeeli maayo Maamullada Gobollada Ujeedadeenu waxaa ay tahay in waxa ay kala cadaadaan oo aan la leex leexan maadaama dad aad u farabadan ay doorashada ku mashquulsan yihiin gacantana ku haayaan ayuu yiri” Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu ku baaqay in doorashada aysan noqon magacaabis balse ay doonayaan in dadka Soomaliyeed shakiga laga bixiyo, ayna noqoto mid lagu tartamo, isagoo xusay iney tahay Ergooyinka iney soo xulaan 135-tii Oday ee la yaqaanay oo la tashanaya nabadoona beelahooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com