Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si adag uga hor yimid War Murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirkii Wadatashiga Qaran ee Muqdisho uga socday Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlada Goboleedyada.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada ku guuleesteen in iyagu maamulaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose, waxa uuna xusay in suurto gal tahay in qaabkan cusub kiciyo rabsho isagoona ku baaqay in laga laabto.
“Hoggaamiyaasha Gobolladu waxa ay ku guuleysteen in ay maamulaan doorashooyinka Aqalka Hoose (Golaha Shacabka), war murtiyeedka waxaa ka harsan hufnaanta geedi socodka oo aanay helin taageerada Dadka Soomaaliyeed, waxaa suuragal ah in uu kiciyo dareen cusub & rabsho, waa in degdeg loogu laabtaa” ayuu yiri Cumar C/Rashiid.
Habraaca doorashada ee shalay soo saareen Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa abuuray shaki hor leh iyo cabsi laga qabo in madaxda dowlad goboleedyada musuq maasuqaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com