Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Ciidamo hubeysan oo caawa la wareegay qeybo ka mid ah Baladweyne (Sawirro)

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Balad-weyne ee gobolka Hiiraan ciidamo hubeysan ayaa caawa la wareegay qeybo a mid ah Magaaladaas, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay halkaas ka jirto.

Ciidamadan oo la baxay (Badbaadada gobolka Hiiraan) ayay wararku sheegayaan iney ka soo horjeedaan booqasho la sheegay in maalinta beri ah uu magaalada Belad-weyne ku tagayo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xusseen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay la wareegeen xarunta Maamulka gobolka, Xerada Ciidamada DF ee Lama galaay iyo meelo kale.

Saraakiil ay ka mid yihiin Col. C/llaahi Barre Cilmi abaanduulihii hore ee Guutada shanaad qeybteeda 27aad ee ciidanka xoogga dalka iyo Nuur dheere oo ka mid ah saraakiisha ciidanka daraawiishta Hirshabelle.

Ujeedka ugu weyn ee ciidankan ayaa la sheegay tahay sidii ay u baajin lahaayeen Safarka Cali Guudlaawe oo gobolka Hiiraan si weyn Maamulkiisa looga diiddan yahay, lama soo sheegin wax iska horimaad ah balse xaalada magaalada ayaa kacsan, iyadoo laga cabsi qabo inuu iska horimaad dhexmaro ciidamada Hirshabelle ee taageersan Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas  iyo kuwa magaalada la wareegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:- Ra’iisal Wasaare Rooble markii uu gaaray Garoowe shaaciyay in 3 arrin uu kala hadlayo Puntland !!

admin

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo saddex arrin kala hadlay Antonio Guterres

Cabdi Cade

Waxii aan kusoo arkay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---