Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diiwaan gelisay maanta kiisaskii ugu badnaa COVID-19 ee muddo sanad ah laga helo dalka.
Warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ayey Wasaaradu ku sheegtay in la diiwaan geliyay 252 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 21 qof ayaa u geeriyootay.
Tiradan ayaa muujineysa in cudurka uu markii 3aad ku sii xoogeysaneyo
Wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay ay u qeybsan yihiin sidan:-
-Banadir: 150
-Puntland: 61
-Somaliland: 19
-Jubbaland: 10
-Galmudug: 9
-Konfur galbeed:3
-Lab: 141
-Dhedig: 111
-Bogsashada: 67
-Dhimasho: 21 (Banadir:18, Puntland:1, Konfurgalbeed:1, Somaliland:1)
Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com