Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin baraha Bulshada ku caayey xaaska Nebi Maxamed NNKH oo xabsi la dhigay

Ciidamada Booliska Sucuudiga, ayaa xirey nin la sheegay inuu ku caayey nabi Muxummed “NNKH” xaaskiisa Caa’isho baraha bulshada.

Afhayeenka booliiska ee magaalada Riyadh, Maj Khaled al-Kraidis, ayaa warkan ku sheegay barta waaxda ammaanka ee Sucuudiga 20-kii bishan August.

Sida uu sheegay afhayeenku, waxaa lagu sameeyey ninkan la xirey baaritaan, iyadoo loo gudbiyey xeer ilaalinta guud si dacwad loogu soo oogo.

Ninka la xirey ayaa dadiisa waxaa lagu qiyaasey soddomeeyo, isagoo galiyey aflagaadada meel ka dhaca bar la isku weydaarsado afkaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo laga sugayo in go’aan ka gaaraan lacag gaareysa 7 bilyan oo Afganistan leedahay

Cabdi Cade

40 Israa’iliyiin ah iyo 198 reer Falastiin ah oo illaa hadda la dilay (Warar cusub)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo caawa ka degay Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---